Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalka Filibiin oo xaalad deg deg ah la geliyay


Wasiirka caafimaadka Philippines Dr. Francisco Duque.
Wasiirka caafimaadka Philippines Dr. Francisco Duque.

Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib marki dad gaaraya 622 qof ay u dhinteen xanuunka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dhiddiga ah.

Wasiirka caafimaadka Filibiin, Francisco Duque ayaa sheegay, in laga soo billaabo bishi Jannaayo ee sannadkaan ilaa bishi July la diiwaangeliyay kiisas gaaraya 146,000 qof oo uu ku dhacay cudurka Denga, taasoo macnaheedu noqoneyso in boqolkiiba 98 uu sare u kacay xowliga uu ku socdo faafista cudurka marka loo barbar-dhigo sanadki hore.

Wuxuu sheegay in xaaladda deg deg ah ay u golaaneyso dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo deg deg ah oo ay kula tacaalaan cudurka.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in cudurka Denga uu leeyahay xumad sarreysa. Sidoo kalana uu qofka ku sababo xanuun ku yimaada kala goys-yada jirka, matag, nabro kasoo baxa jirka, dhibaato dhanka neefta ah, dhiig bax iyo qeybo ka mid ah xubnaha jirka oo shaqadooda gaba.

XS
SM
MD
LG