Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalal dadkooda uga digay in ay tagaan Mareykanka


Edie Hallberg oo ooyeysa kadib marki ay ka badbaaday weerarki El Paso
Edie Hallberg oo ooyeysa kadib marki ay ka badbaaday weerarki El Paso

Dalalka Venezuela iyo Uruguay ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan Mareykanka, kaddib toogashadi dadka badan lagu dilay ee Sabtidi iyo Axadi ka dhacday gobollada Texas iyo Ohio.

Labadani waddan ee ku yaalla Latin America ayaa digniintooda ku sababeeyay,rabshadaha iyo danbiyada naceybka ku salaysan ee kusoo badanaya Mareykanka.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Uruguay ayaa lagu wargiliyay muwaadiniinta dalkaasi kasoo jeeda ee ku sugan Mareykanka in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah, sababtoo ah beey tiri wasaaradda, dowladaha hoose ee Mareykanka ma awoodaan in ay joojiyaan rasaasta sida ula kaca ah loogu furo shacabka.

Sidaasi si la mid ah, wasaaradda arrimaha dibadda Venezuelan ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inay hakiyaan socdaalka ay ku tagaan Mareykanka, sababo la xiriira naceyb iyo cunsuriyad kasoo muuqatay Mareykanka.

Dhawaan dalalka Germany, New Zealand, Canada, Ireland, China iyo Bahamas ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay usoo safraan dalkaan Mareykanka.

XS
SM
MD
LG