Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-hadallada Mareykanka iyo Taliban oo la isku afgartay


Ergada ka socota Maraykanka iyo kooxda Taliban ayaa u muuqda inay isku afgarteen qodobada ugu waawayn ajandaha wada-hadalka, iyada oo sida wararku ay sheegayaan ay dhiman tahay in laga wada hadlo qaabka loo fulinayo arrimaha la isku raacsan yahay.

Madaxa wafdiga Maraykanka, Zalmay Khalilzad ahna ergayga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afghanistan ayaa sheegay in la sameeyay wax uu ugu yeeray horumar wanaagsan oo dhinaca wada-hadalka ah.

Afhayeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Suhail Shaaheen ayaa sheegay in horumar wax ku ool ah la sameeyay balse waxaa u ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Wada-hadallada Taliban iyo Maraykanka ayaa ka socda magaalada Doxa ee caasimadda Qatar, waxaana ujeedkooda u yahay in lagu gaaro heshiis horseedi kara in ciidamada Mareykanka kasoo baxaan Afghanistan, Talibanna nabad geliso Mareykanka iyo danihiisa.

XS
SM
MD
LG