Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqolaal qof oo lagu xiray Moscow


Qof ay boolisku sii wadaan

Booliska Ruushka ayaa Sabtidi shalay xiray ku dhawaad 800 oo qof oo ka qeybgalay bannaan bax ka dhacay magaalada Moscow, oo ay dadka ku dalbanayeen doorasho xor ah.

Dadka ay booliska xireen ayaa waxaa ku jira Lyubov Sobol oo ah gabar siyaasi ah kana mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuqda aadanah.

Hey’ad OVD-Info oo ah hey’ad madaxbannaan oo qiimeysa arrimaha siyaasadda Ruushka ayaa sheegtay, in booliska ay xireen 685 qof oo qaarkood ay ciidamada ku garaaceen budad.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa arkay dad badan oo la xirayo. Maamulka Magaalada Moscow ayaa bannaanbixi Sabtidi horay uga sii digay kuna tilmaamay mid sharci darro ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG