Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka baxay heshiiska Nukliyeerka ee INF


Mareykanka ayaa maanta ka baxay heshiiska xakameynta hubka Nukliyeerka ee INF, si uu u hormariyo madaxyo cusub oo hub Nukliyeer ah.

Go’aanka Mareykanka ayaa yimid kadib markii Russia ay diiday inay burburiso gantaallo cusub, oo NATO ay sheegtay inay xadgudub ku yihiin heshiiska.

Heshiiskan INF ayaa waxaa 8-dii bishii December 1987-kii saxiixay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan iyo xoghiyihii guud ee Midowga Soviet Mikhail Gorbachev.

“Russia waxay diiday inay dib ugu soo laabato u hoggaansanaan buuxda oo la xaqiijin karo oo heshiiska ah, islamarkaana burburiso habka gantaallada ee SSC-8 iyo 9M729” wxaaa sidaas yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

“Russia oo kaliy ayaa mas’uul ka ah in heshiiskan uu dhinto” ayuu sii raaciyey Pompeo.

Pompeo ayaa bayaan uu soo saaray sidoo kale sheegay, in dowladda Mareykanka “aysan kusii jiri karin heshiis ay si ula kac ah ugu xadgudubtay Russia.”

Waxa uu sheegay in u hoggaansanaan la’aanta heshiiska ee Russia ay halis ku tahay danaha muhiimka ah ee Mareykanka, islamarkaana gantaallada ay Russia horumarisay ee kasoo horjeeda heshiiska ay halis toos ah ku yihiin Mareykanka iyo xulufadiisa.

XS
SM
MD
LG