Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Dad ku la'day qarax haleeyay bas


Qarax ka dhashay miino lagu aasay waddada jiinkeeda ayaa dalka Afghanistan maanta ku dilay ugu yaraan 35 qof oo ku safrayey bas, islamarkaana dhaawacay 27 kale, sida ay sheegeen saraakiil.

Qaraxan oo ka dhacay waddada weyn ee isku xirta caasimadda gobollada Herat iyo Kandahar ayaa ka dhacay xaafadda Ab Khorma ee gobolka Farah, sida uu sheegay afhayeenka gobolka Mohibullah Mohib.

“Bamka ayaa ahaa mid dhowaan ay aaseen dagaal-yahanada Taliban si loola beegsado ciidamada Afghanistan iyo kuwa ajnabiga” ayuu yiri.

Mohibullah Mohib ayaa sheegay in dadka dhintay badankood ay yihiin haween iyo caruur.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Gobolka Farah ayaa ku yaalla soohdinta dalka Iran.

Afhayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa beeniyey mas’uuliyadda weerarka, waxaana uu sheegay in dagaal-yahannadooda aysan mas’uul ka ahayn miinooyinka lagu aasay aagaas.

“Taliban ma aysan fulin qaraxan, waan baaraynaa dhacdadan” waxaa sidaas yiri Zabihullah Mujahid oo ah afhayeenka Taliban.

XS
SM
MD
LG