Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qorshe Dib loogu Celinayo Rohingya


Dawladda Myanmar ayaa bilowday inay u dabacdo cadaadiska dawliga ah, iyada oo ogolaatay in la celiyo dad ka badan 700 oo kun oo qowmiyadda Rohingaha ah, kuwaas oo hadda ku nool dalka Bangladesh. Hase yeeshee, hay’adaha xuquuqda aadamaha ayaa ka welwelsan in ballanqaadka dawladda Myanmar aanu sii qoto dheereyn.
Dawladda dalkaas ayaa kor u qaadday dadaaladeeda arintaas la xiriira dhamaadkii toddobaadkan, markii Xoghayaha joogtada ah ee arrimaaha dibadda U Myint Thu, isaga oo wafdi 10 qof ka kooban wata uu wadahadal la galay dad matalayey qaxootiga Rohingya, kulankaas oo ka dhacay Kutupalong oo ah xerada qaxootiga ee ugu weyn dunida.

Dadkii qaxootiga matalayey ayaa noqoshada ku xiray labo qodob oo kala ah jinsiyadda iyo amniga oo la xaqiijiyo. Halka ay dadkii dawladda ka socday ay soo bandhigeen oo kaliya muwaadinimo waqti qaadata, taas oo lagu bilaabayo arji waraaqaha aqoonsiga ah.

XS
SM
MD
LG