Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cambaareyn ka dhalatay carruur lagu dilay Sudan


QM ayaa ku baaqeysa baaritaan lagu sameeyo dilka shan caruur iskuul ah oo ka dhacay dibad-baxyada ka socda dalka Sudan, xilli dibad-baxayaasha ay ku cadaadinayaan militariga xukuma dalkaas inay soo wareejiyaan talada.

Dibad-baxayaasha ayaa ku eedeeyey ciidamada sida militariga oo kale u tababaran ee uu hoggaamiyo Jeneral Mohamed Hamdan Daglo inay toogteen islamarkaana shanta caruur ku dileen dibad-bax ka dhacay magaalada Al-Obeid, kaasi oo looga soo horjeeday rooti yarida iyo shidaal la’aanta halkaas ka jirta.

Dilka ayaa yimid ayada oo hoggaamiyayaasha dibad-baxyada la filayo inay maanta wada-hadal la yeeshaan jeneraalada xukunka haya, si la iskula meel dhigo sidii maamul rayid ah loogu wareejin lahaa talada dalka.

Haya’dda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa mas’uuliyiinta ugu baaqday inay baaraan kiiskan, islamarkaana ay la xisaabtamaan “kuwa ka dambeeyey dambiyada iyo rabshadaha ka dhanka ah caruurta.”

“Canugna ma ahan in lagu xabaalo dharkiisa iskuulka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UNICEF oo lagu sheegay in caruurta la dilay ay da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 17.

Hoggamiyaha militariga ee haya xukunka Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa cambaareeyey toogashada lagu dilay caruurta, kuna qeexay “Dambi aan la aqbali karin”, sida u baahiyey taleefishinka dowladda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG