Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo cambaareeyey dibad-baxyada Hong Kong


Dowladda Shiinaha ayaa cambaareyn dhif iyo naadir ah kasoo saartay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda ee todobaadyadan ka socday Hong Kong.

Bannaanbaxyadi Sabtidi iyo Axadi shalay ayaa ahaa kuwo rabshado watay kaddib marki ay isku dhaceen kumanaan ruux oo bannaanbaxa dhigaya iyo ciidamada booliska.

Yang Guang oo ah afhayeenka maamulka Hong Cong ayaa ugu baaqay dadka Hong Kong in ay meel uga soo jeestaan rabshadaha iyo qalalaasaha, isaga oo cambaareeyay qaar ka mid ah siyaasiyiin reer Galbeed ah oo uu ku eedeeyay in ay hurinayaan rabshadaha.

Sarkaalkan ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Shiinaha ay taageersantahay hogaamiyaha Hong Kong Carrie Lam.

Hadalkan ayaa ka danbeeyay kaddib marki habeenki Axada ay magaalada ka dhaceen rabshado dhexmaray ciidamada booliska iyo qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha.

Dadka mudaaharaadaya ayaa dalbaday in ay is casisho hogaamiyaha hogaanka iyo in la baaro awoodda xad-dhaafka ah ee ciidanka booliska.

XS
SM
MD
LG