Booliska Hong Kong ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa maanta u adeegsaday kumanaan qof oo ka qeybgalay mudaaharaad looga soo horjeedo maamulka u janjeera dowladda Shiinaha.
Muuqaalo laga baahiyay telefishanka ayaa muujinaya, ciidamo boolis ah oo ku tuuraya qaaca indhah ka ilmeysiisa dad xiray meel u dhaw xarunta dhexe ee maamulka Hong Kong.
Dibadbaxyadaan oo soo billowday dhamaadka bishi Maarso ee sanadkaan, ayay dadka dhigaya ku dalbanayaan hadda, in ay is casisho hogaamiyaha Hong Kong iyo in baaritaan lagu sameeyo awoodda xad-dhaafka ah ee ay ciidamada booliska u adeegsadanayaan dibadbaxayaasha.
Waa maalinti labaad oo xiriir ah oo ay dibadbaxyo rabshado wata ka dhacayaan Hong Kong. Sabtidi, tobneeyo ruux ayaa dhaawacmay 11 kalana ciidamada booliska ayaa xiray, kadib marki uu Jaziiradda ka dhacay banaanbax ay gacmaha isula tageen ciidamada iyo dadka dibaxbayada dhigaya.
Facebook Forum