Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir Garaacay Philippines


Dhul gariirka Waqooyiga Filibiin
Dhul gariirka Waqooyiga Filibiin

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay tobneeyo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib marki laba dhul gariiri oo waaweyn ay garaaceen dalka Filibiin aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah.

Dhul gariirka ayaa xoogiisa ka dhacay goboolka Batanes ee ku yaalla jaziiradda ugu weyn waqooyiga Filibiin ee Luzon.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhul gariirki maanta uu dadka ku abuuray argagax, sidoo kalana ay waddooyinka qaarna dillaaceen, halka dad badanna laga daad gureeyeen isbitaallada iyo dhismooyinka waaweyn.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira laba canug oo da’doodu ka yareyd hal sano kuwaasoo uu la dumay gurigi ay ku noolaayeen.
Dowladda ayaa sheegtay in ay dhici karto in uu kordho khasaaraha ka dhashay labadi dhul gariir ee maanta ka dhacay dalka Filibiin.

XS
SM
MD
LG