Afar xabaal wadareed oo la rumeysan yahay in ay ku aasanyihiin tobneeyo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Kurdiyiinta Ciraq ayaa laga helay saxaraha gobolka Al-Muthanna ee Koofurta dalka Iraq.
Saraakiisha maamul goboleedka Kurdistan ee dalka Ciraq ayaa sheegay in meydad gaaraya ilaa iyo 70 laga helay meel 80 km u jirta magaalada al-Samawah.
Dadkan laga helay xabaal wadareedka oo intooda badani ay ahaayeen dumar iyo carruur ayaa waxaa la rumeysanyahay in ay dileen ciidamo daacad u ahaa hogaamiyihii hore ee dalka Ciraq Sadam Hussein, inti u dhaxeysay sannadihi 1987 iyo 1988.
Olole uu hoagaaminayay sannadihi Sideetamaadki nin la dhashay Sadam Hussein oo la yiraahdo Ali Hassan Al-Majid, ayaa waxaa lagu laayay ama wali la’ayahay ugu yaraan 180 kun oo Kurdiyiin ah.