Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo 'ka hortagay' diyaarad lagu soo weeraray


Difaaca hawada Sacuudiga ayaa qabtay diyaarad drone ah oo kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku bartilmaameedsatay magaalo ku taalla Koonfurta Galbeed ee dalkaas, waxaa sidaas maanta sheegay isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen.

Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Mahdi al-Mashat ayaa talaadadii sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan weerarada Sacuudiga islamarkaana ay wada-hadal la galaan isbahaysiga, si loo fududeeyo in dadka Yemen la gaarsiiyo gargaar.

“Diyaarad lala beegsan lahaa shacabka magaalada Khamis Mushait ayaa dhexda laga qabtay islamarkaana la burburiyey” waxaa sidaas yiri afhayeenka isbahaysiga Turki al-Maliki oo la hadlay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Al-Maliki ayaa beeniyey sheegashada Xuutiyiinta ee ah in diyaaradda drone-ka ay beegsaday saldhigga ciidamada cirka ee Boqor Khaled ee magaalada Khamis Mushait, islamarkaana ay ku guuleysatay hadafkeeda.

“Tani waa been cad” ayuu yiri Al-Miliki oo weerarka ku qeexay “ficil kale oo ay qaadeen maleeshiyada oo la mid ah dambi dagaal.”

XS
SM
MD
LG