Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Robert Mueller oo ku hor marqaati furaya Congress-ka


Baarihii gaarka ahaa ee faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ee 2016, ayaa maanta hor-fadhiya Aqlka Wakiilada Mareykanka, oo su’aalo lagu weydiinayo.

Robert Mueller ayaa shaaca ka qaaday arrimo badan oo ka mid ah xogta baaritaankii ay sameeyeen, waxaana ka mid ah inuu sheegay inay muddo sanad ah isku dayayeen inay wareystaan madaxweyne Donald Trump balse uu diiday.

Mueller ayaa sidoo kale mar kale ku celiyey in warbixintii uu soo saraay aysan bari yeelin madaxweynaha, inkasta oo madaxweynaha uu marar badan sidaas sheegay.

Waxa uu sheegay in go’aankooda warbixinta uu qeyb ka ahaa inaysan madaxweyne xil haye kusoo oogin karo dacwado dambiyeed.

Mueller waxa uu sheegay inaysan helin wax caddeymo ah oo ku filan oo xaqiijin kara in madaxweynaha ama qaar ka mid ah xubnaha ololihiisa doorasho ay Ruushka kala shaqeeyeen faro-gelinta doorashada.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG