Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK oo maanta ra'iisul wasaare cusub yeelaneysa


Britain Conservatives
Britain Conservatives

Xisbiga Conservative-ka ayaa Talaadadii shalay u doortay in Boris Johson uu noqdo hogaamiyaha xisbiga, kaas oo beddeli doona Theresa May.

Tallaabadan ayaa waddada u xaareysa inuu Arbacada maanta ah marti qaad ka helo boqortaayada si loogu magacaabo ra’iisul wasaaraha ee Britain.

Ninkan oo ah suxufi hore, marna soo noqda duqa magaalada London ayaa noloshiisa dhamaanteed ku taamayey xilkan uu hadda qabtay, hase yeeshee, ay shaqo aad u adagi hortaallo.

Fallaago xisbigiisa kula jirta oo uu hormood ka yahay mudane lagu magacaabo Philip Hammond ayaa isaga u caddeeyey in haddii uu isku dayo in Britain uu heshiis la’aan kaga saaro Midowga Yurub, ay codkooda ku biirin doonaan xisibiyada mucaaradka ah si ay xukuumaddiisa u ridaan.

Haddi sidaas ay dhacdo waxay keenaysaa doorasho xiligeedii laga soo hor mariyey, taas oo ay u egtahay in xisbiga conservative-ku aanu ku guulaysan doonin.

XS
SM
MD
LG