Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mintidiin diiday inay saxiixaan heshiis nabadeed ayaa talaadadii ka qarxay meel u dhow magaalada Jubba ee caasimadda dalka South Sudan, waxaas sidaa sheegay koox mucaarad ah.
Ammaanka magaalada Jubba ayaa la adkeeyey ayada oo isku dhacyada ay ka socdaan deegaanka Lobonok oo 100 km u jira magaalada.
Jabhadda Badbaada Qaranka ee NAS, oo sanaddii 2017 uu sameeyey jeneraal Thomas Cirillo Swaka oo ku baaqay in xukunka laga tuuro madaxweyne Salva Kiir, ayaa sheegtay in weerar lagu soo qaaday.
Bayaan ay soo saartay ayay NAS ku sheegtay inay dishay sideed ka mid ah “askarta cadowga”, inkasta oo aan la xaqiijin karin sheegashadaas.
“Taliska NAS ee Lobonok, waxa uu filayaa weeraro kale oo hor leh” ayaa lagu yiri bayaanka.
Afhayeenka militariga South Sudan, Lul Ruai Koang ayaa AFP u sheegay in ay maanta awoodi waayeen inay xiriir la sameeyaan ciidamada dowladda ee jooga Lobonok, islamarkaana uusan bixin karin wax akhbaar ah.