Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boris Johnson oo noqonaya ra'iisul wasaaraha UK


Boris Johnson

Boris Johnson ayaa loo doortay inuu noqday hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee dalka Britain, waxaana uu noqonayaa Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Johnson oo 55 sano jir ah waxa uu ka guulaystay Xogyaha Arrimaha Dibedda Jeremy Hunt, isagoo helay aqlabiyad laba jeer ka badan tan ninka la tartamayey.

Johnson waxa uu ahaan jiray Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo duqa magaalada London.

Waxa uu beddeli doonaa Theresa May oo xilkaasi iska casishay bishii May kadib markii ay ku guuldarraysatay inay dhaqangeliso ka bixitaanka Britain ee UK.

“waxaan mideyn doonnaa waddankan cajiibka ah, horey ayaana usii dhaqaajin doonnaa” ayuu yiri Johnson oo hadlay kadib markii la doortay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG