Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay kuleel wata huur daran oo Sabtidi shalay ka dhacay gobollo ku yaalla dalkan Mareykanka.
Warbaahinta ayaa ku warrameysa in lixda qof ee u dhintay mowjadadaha kuleelka ay ku kula sugnaayeen gobollada Maryland, Arizona iyo Arkansas.
Saraakiisha caafimaadka iyo kuwa Saadaasha Hawada ayaa horay uga digay in kuleelka Sabtidi iyo Axada maanta ah uu dadka ku sababi karo maskaxda oo uu dhiig ku furmo.
Heer kulka magaaladan Washington DC ayaa shalay aheyd celcelis ahaan 90 degree oo feeranhayt ah, laakin maanta ayaa la filayaa in ay gaarto 100 digrii oo feeranhayt ah. Waxaa intaasi dheer huur aad u daran oo uu kuleelka wato.
Ugu yaraan 700 oo u badnaa waayeel iyo dad sabool ah ayaa u dhintay kuleel sannadki 1995-ki ku dhiftay magaalada Chicago. Dadkaas ayaa ahaa intooda badan kuwo aanan heylin qabooji.