Golaha ku meel gaarka ee haya xukunka dalka Sudan iyo Isbaheysiga kooxaha mucaaradka ayaa arbacadii shalay Khartoum si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis awood qeysi ah.
Dadka ka faalooda arrimaha Sudan waxey leeyihiin heshiisku waa talaabo muhiim ah oo horey loo qaaday, ka dib billo ay degenaanshiyo la’aan ka jirtay Sudan.
Laakiin sida ay ku soo warameyso wariyaha VOAda ee Sudan Naba Mohiedeen, dadkoo dhan kama dhaadhacsana in talaabadan ay bilow cusub u tahay Sudan. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo jeedinaya.