Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muddaaharadayaasha iyo Jeneraallada Sudan oo Heshiis Gaaray


Mohammed Hamdan Dagalo
Mohammed Hamdan Dagalo

Muddaharaadayaasha Sudan iyo Jeneraallada maamula dalkaaasi ayaa Arbacada maanta qalinka ku duugey heshiis dhigaya in la sameeyo maamul rayid ah, kaas oo ay dalbanayeen dibad-bax sameeyayaasha tan iyo markii xilka laga tuurey madaxweyne Cumar Xasan al-Bashiir 3 bil ka hor.

Tallaabadaasi ayaa yareyneysa is marin waagii dalka la degey, kadib dibaxyadii waddanka oo idil ka dhacay ee looga soo horjedey al-Bashiir, kaas oo billowdey bishii December, balse sii socdey kadib markii golaha militariga ay afgambiyeen madaxweynaha April 11-keedii.

Ku xigeenka madaxa golaha militeriga, Mohamed Hamdan Dagalo, oo isagoo ka wakiil ah jeneraallada kale saxiixey heshiiskaasi, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegey in heshiiska uu yahay taariikh dadka reer Sudan.

Dagalo ayaa yiri, “heshiiskaasi waxa uu furey waddo cusub islamarkaasina ballan qaadayaa wada shaqeyn dhex marta ciidamada iyo hoggaamiyayaasha kacdoonka guuleystay ee Sudan.”

Heshiiskaasi ayaaw axa dhex-dhexaadiye ka ahaa Midowga Afrika iyo dowladda Itoobiya.

XS
SM
MD
LG