Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo mar kale weeraray 4 dumar ah oo ay ku jirto Ilhan Cumar


Trump Democrats
Trump Democrats

Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta mar kale weerar afka ah ku qaaday afar mudane oo dumar ah ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo aanan caddaan aheyn, kuwaas oo ay ku jirto Ilhan Cumar.

Hadal qoraal ah oo uu Isniinti maanta ku faafay bartiisa Twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in afartaasi dumarka ah ay u gafeen Mareykanka, Israil iyo madaxtooyada.

Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri:"Goorma ayay dumarka xildhibaanada ah ee bidixda mayalka adage ee ku jira Koongareeska raalli gelin siin doonaan waddankeenna, dadka Israil iyo xitaa xafiiska madaxtooyada, sababo la xiriira luqadda khalan ee ay adeegsadeen iyo hadallada gurracan ee ay sheegeen.

Madaxweyne Trump ayaa intaasi ku daray in dad badan ay mudanayaashani u careysanyihiin.

Hadalkaan ayaa imanaya maalin kaddib, marki uu madaxweyne Trump Axadi shalay ku weeraray bartiisa twitter-ka afartan mudane ee xisbiga dimoqraadiga kasoo gala Koongareeska. Wuxuu dhamaantood u sheegay in ay dib ugu laabtaan waddanada ay asal ahaan kasoo jeedaan, si ay u xalliyaan mushkiladaha dhinacyada maamulka, iyo danbiyada ee u sheegay in ay ka jiraan.

Mudanayaashan ayaa kala ah, Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo dhamaantood ku dhashay Mareykanka, iyo Ilhan Omar timid dalkaan iyada oo yar.

Hadalka Trump ayaa waxaa cambaareeyay siyaasiyiinta xisbiga dimoqraadiga oo ku tilmaamay mid ay ka buuxdo cunsuriyad.

XS
SM
MD
LG