Xarunta Dhexe ee Duufaanada ee Mareykanka ayaa maanta sheegtay in duufaanta Barry ee Sabtidi shalay garaacday qeyto ka mid ah gobolka Louisiana, ay maanta iyada oo ku socoto xawaare dhan 75 KM saacaddiiba u jiheysatay dhanka galbeed ee Louisiana.
Khubarrada saadaasha hawada ayaa sheegay in roobabaka xoogga leh ee ay wadato duufaanta ay sababi karaan fatahaado khatar gelin kara nolosha malaayiin qof oo ku nool gobolka Louisiana ee koofurta Mareykanka.
Barry ayaa la filayaa in koofurta iyo bartamaha Louisiana ay ku hooriso roob ay suurtagal tahay in biyahiiisu ay gaaraan cabbir u dhaxeeya 15 ilaa 30 sentimirir halka meelaha qaarna laga yaabo in xareeddu gaarto 50 sentimirit.
Duufaanta Barry ayaa ah tii ugu horreysay ee sannadkaan ka dhacda gobollada ku dhirirsan xeebaha badda atlantiga. Inta badan duuufaanaha sannadlaha ah ee Mareykanka ayaa iska daba dhaca marka la gaaro xilliga xagaaga.