Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Turkey oo La Eryay


Erdogan
Erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta shaqada ka eryay guddoomiyihii bankiga dhexe, kuna baddalay ku xigeenkiisii, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay.

Murat Cetinkaya ayaa xilka gudoomiyaha bankiga dhexe hayay tan iyo bishii April ee sannadki 2016-ki, waxana sannadihi uu maamulayay bankiga uu Turkigu wajahay hoos u dhac dhaqaale, gaar ahaan lacagta liiraha oo qiimaheedu uu hoos u dhacayay labadi sano ee lasoo dhaafay.

Ma jirto faah-faahin ku aadan sababta xilka looga qaaday, hase yeeshee warbaahinta Turkiga ayaa ku warrantay inuu jiray khilaaf u dhaxeeyay Cetinkaya iyo madaxweyne Erdogan kaasoo ku qotomay dul-saarka lacagaha bankiga dhexe oo ay dowladu rabto in la yareeyo si kor loogu qaado dhaqaalaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa marar badan ku celceliyay inuusan marnaba ogoleyn in la kordhiyo dulsaarka lacagaha la dhigto bankiga dhexe ee dowladda, taasoo uu mar ku tilmaamay in ay tahay “Hooyada iyo Aabaha sharta oo dhan”.

Gudoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe Murat Uysal ayaa hadafkiisa ugu horreeya ee bankiga dhexe ku tilmaamay ka shaqeynta xasilinta qiimaha lacagta ee waddanka.

XS
SM
MD
LG