243 sanadood ka hor, bishii July sanadkii 1776kii, ayaa dalkan Mareykanka uu ka xoroobay gumaystihii Britain.
Dabaal degga sanadkan ayaa ka duwanaa sanadihii hore waxaana madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku sharfay khudbadiisa Ciidamada kala duwan ee Mareykanka.
Madaxweyne Trump oo ka sheekeeyey taariikhdii dagaal ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareyknaka ay guulo badan ka gaareen dagaalo dalal dibada ah oo ay galeen.
Haddaba, khudbaddaasi iyo guud ahaanba Isbedelka Sanadkana ee xuska Maalinta xoriyada ee Mareykanka, Waxaa warbixintan gaar ah ka diyaarisey Sahra Cabdi Axmed.