Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegey in xal laga gaari karo xerooyinka Muslimiinta lagu hayo ee Shiinaha.
Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee Muslim ah ee cambaareeyay Shiinaha sida ay ula dhaqanto Muslimiinta laga tirada badan yahay ee malaayiinta gaaraya ee Shiinaha ku dhaqan, gaar ahaan gobolka Xinjiang.
Erdogan, ayaa Talaadadii mar uu Beijing kula kulmay dhiggiisa Shiinaha Xi Jingping, sheegey in uu aamisan yahay in xal laga gaari karo arrintaasi.
“Waxaan rumeysannahay in arrintani xal laga gaari karo, iyadoo meeshana ay ku jirto sida ay arrintani labada dhinacba ugu tahay mid xasaasiyad leh” ayuu yiri Erdogan, maruu saxaafadda la hadlayay.
Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegay in Erdogan uu sheegey in musliminta Shiinaha a si farxadi ku jirto ugu nool yihiin gobolka Xinjiang.
Balse, markii hadal noocaasi ah ayuusan sheegey Erdogan markii uu la hadlayay wariyayaasha Turkiga.