Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Duqeyntii Libya waxay u dhigantaa dambi dagaal


Saraakiisha QM ayaa sheegay in duqeyntii habeenkii talaadada ka dhacday magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya ee lagu laayey muhaajiriinta ay u dhiganto dambi dagaal.

Duqeyntaas ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 44 qof, halka wararka qaarna ay dhimashada ka dhigayaan 55, waxaana lagu dhaawacay 130 qof oo kale.

Burburka xarunta la duqeeyey oo ah meel muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla duleedka Tripoli ayaa waxaa weli ay baraayaasha ka raadinayaan meydad.

“Waxaan rabnaa nabad” waxaa sidaas tiri haweeney Soomaali ah oo geed hoostiisa isku dedday xilli baraayashaana ay weli meydadka qaar baadi goobayaan.

“Waxaan ka nimid Soomaaliya oo tagnay Yemen, kadibna Sudan, kadibna halkan, balse halkan waa Soomaaliya oo kale” ayey tiri.

Dadka ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay inuu dhacay 11:30 pm ee habeenkii talaadada, islamarkaana ay toddobaadyadii dhowaa maqli jireen diyaarado aan duuliye lahayn oo dul heehaabaya.

Saraakiisha Tripoli ayaa weerarka ku eedeeyey ciidamada daacadda u Khalifa Haftar oo hoggaamiya ciidamada dowladda kasoo horjeeda ee bariga Libya.

XS
SM
MD
LG