Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiyaanka Israel oo dibad-baxyo dhigaya


Ethiopian-Israelis
Ethiopian-Israelis

Israel ayaa wajahaysa dibad-baxyo xooggan oo looga soo horjeedo sarkaal boolis oo isaga oo aan shaqo ku jirin dilay wiil dhallinyaro ah oo ka tirsan bulshada Itoobiyaanka Israel.

Dadweyne fara-badan oo ah Israa’iiliyiinta asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya ayaa Isniintii la dagaalay booliska, islamarkaana xiray jidadka kadib dilkan oo dhacay habeenkii axadda.

Dibad-baxyo kale oo dheeraad ah ayaa la filayey maanta, ayada oo Solomon Teka oo la rumeysan yahay inuu ahaa 18 ama 19 jir, la aasi doono.

Teka ayaa waxaa lagu dilay Kiryat Haim, oo ah magaalo u dhow magaalo xeebeedka waqooyi ee Haifa.

Dhimashadiisa ayaa ka carreysiiyey bulshada Itoobiyaanka, kuwaas oo sheegay in dhallinyaradooda ay ku nool yihiin cabsi joogto ah oo ay ka qabaan xadgudubyada booliska, sababtuna ay tahay inay madow yihiin.

Afhayeenka booliska Micky Rosenfeld ayaa AFP u sheegay in kadib dibad-baxyadii rabshadaha watay ee Isniintii, ay banaanbaxayaasha is-urursanayaan maanta.

Bulshada Itoobiyaanka Yahuudda ah ee Israel, oo lagu qiyaaso 140,000 ayaa waxaa ku jira in ka badan 50,000 oo ku dhashay Israel.

Badankood waxaa la rumeysan yahay inay asal ahaan yihiin bulsho ka go’doomay Yahuudda kale ee caalamka qarniyo ka hor, waxaana si tartiib tartiib ah inay yahuud yihiin ugu aqoonsaday mas’uuliyiinta diinta ee Israel.

Israel ayaa tobonaan kun oo ka mid ah dadkan kasoo qaaday Itoobiya sanadihii sideetamaadkii iyo sagaashamaadkii.

Bulshadan ayaa mar walba ka cowda in la cunsuriyeeyo maadaama ay madow yihiin.

XS
SM
MD
LG