Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sudan: Meydad laga helay Omdurman


Meydadka saddex qof oo rayid ah ayaa maanta laga helay magaalada Omdurman ee mataanka la ah caasimadda Sudan ee Khartoum, hal maalin kaddib marki bannaanbaxyo uu dhiig ku daatay ay ka dhaceen qeybo badan oo ka mid ah dalka Sudan.

Bannaanbaxa oo looga soo horjeedo xakunka milatariga ayaa waxaa shalay ka qeybgalay tobnaan kun oo ruux kuwaas oo dalbaday in milatariga ay xakunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Wariyaasha ayaa ku soo warramaya in meydadka maanta laga helay Omdurman ay yaalleen meel u dhaw zoonki uu shalay ka dhacay bannaanbaxa. Dhaqaatiirta magaalada Khartoum, ayaa sheegay in bannaanbaxyadi shakay ay ku dhinteen todobo ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 100 qof.

Qabanqaabiyaasha mudaaharaadka ayaa ku eedeeyay milatariga in ay si ula kac ah rasaas ugu fureen dadka dhigayay bannaanbaxa.

Bannaanbixi shalay ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo ka dhaca Sudan, tan iyo billowgi bishi hore markaas oo ay howlgallo ay ciidanka milatariga ka sameeyeen caasimadda ay ku dileen in ka badan 100 ruux oo ka mid ahaa dadka wada mudaaharaadka ka dhanka ah xakunka millatariga.

XS
SM
MD
LG