Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump iyo Kim oo ku Kulmay Xadka Labada Kuuriya


Donald Trump ayaa noqday madaxweynihi ugu horreeyay oo Mareykan ah oo cagta dhiga waddanka Kuuriyada Waqooyi, kaddib marki isaga oo jooga goobta milatariga ka caagan ee u dhaxeysa labada Kuuriya, uu u tallaabay dhinaca xadka Kuuriyada Waqooyi.

Trump waxaa markii uu u tallaabayay xadka Kuuriyada Waqooyi barbar-socday hogaamiyaha waddankaasi Kim Jong Un.

Trump markii uu gacan-qaaday Kim Jon Un ayuu ku dhex lugeeyay aagga milatariga ka caagan ee u dhaxeeya xadka dalalka Kuuriyada Koofureed iyo Kuuriyada Waqooyi, ka hor inta Trump iyo Kim aysan dib ugu laabtan xadka Kuuriyada Koofureed.


Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un ayaa Trump ku yiri “Aad baan ugu faraxsan ahay inaan mar kale ku arko, waligeey kuma fikireyn inaan halkaan kugu arki doono.”

Madaxweyne Trump ayaa isna ugu jawaabay inay sharaf u tahay inuu ka gudbo xadka Kuuriyada Waqooyi, kaddibna Trump wuxuu ku casuumay Kim booqasho uu ku yimaado Mareykanka.

Kulanka Trump iyo Kim ayaa qaatay muddo 50 daqiiqo ah, inkastoo madaxweyne Trump uu Sabtidi shalay sheegay in kulanka uu qaadan doono laba daqiiqo.

Inti uu socday kulanka labada hogaamiye, madaxweyne Trumpa yaa wariyayaasha u sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay la sameeyo guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya wada-haddallada labada dal.

XS
SM
MD
LG