Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Waanu Hakineynaa Tacriifta Shiinaha


Japan, Osaka, U.S. President Donald Trump meets with China's President Xi Jinping at the start of their bilateral meeting
Japan, Osaka, U.S. President Donald Trump meets with China's President Xi Jinping at the start of their bilateral meeting

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan dul-dhigi doonin canshuur-kordhin cusub badeecadaha uu Shiinaha usoo dhoofiyo Mareykanka, kaddib kulan maanta magaalada Osaka ee dalka Japan ku dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Labada madaxweyne ayaa ayaa ku heshiiyay dib u billaabidda wadahadalladi ganacsi ee labada waddan, xilli uu halki ugu sarreeyay gaaray dagaalka dhinaca ganacsiga ah ee u dhaxeeyay Washington iyo Beijing.

Hase yeeshee, madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan ka qaadi doonin tacriiftii uu horay u saaray wax soo saarka Shiinaga, balse uu hakiyay inuu soo saaro canshuur cusub.

Shir jaraa’id oo madaxweyne Trump qabtay inti lagu guda jiray gaba gabadi Shir-madaxeedka dalalka G-20 ee maanta lagu soo xiray dalka Japan, ayuu madaxweyne Trump sheegay, in uu shirkadaha Mareykanka u ogolaan doono in ay ganacsi la sameystaan shirkadda Isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei (Waay-Waay).

Hey’adaha amaanka Mareykanka ayaa dhawaan ka digay in software-rada shirkadda Way-Way ay khatar ku yihiin ammaanka Mareykanka.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa isna dhankiisa sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha ay ay ka faa’iidi doonaan iskaashiga sidaasi daraadeedna uu iska hor-imaadka ka wanaagsanyahay wadahadal iyo wax wadaqabsi.

XS
SM
MD
LG