Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin lala xiriirinayo weerarkii Paris ee 2015 oo la qabtay


Mas’uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa maanta sheegay inay xireen nin Bosnian ah oo lala xiriirinayo weeraradii argagixiso ee 2015 ka dhacay magaalada Paris ayna u masaafurin doonaan dalka Belgium.

Xafiiska booliska federaalka Jarmalka iyo dacwad oogayaasha magaalada Dresden ayaa bayaan ay si wadajir ah usoo saareen ku sheegay in tuhmanahan oo 39 jir ah lagu qabtay habeenkii 19-kii June amar soo xirid Yurub ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Belgium.

Waxaa lagu eedeeyey “inuu caawiyey urur argagixiso oo lala xiriiriyey weeraradii argagixiso ee uu ku jiro kii lagu qaaday hoolka xafladaha Bataclan ee magaalada Paris, 13-kii November 2015.”

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa sidoo kale sheegay in ninkan lagu beegsaday baaritaan kale oo ka dhan ah laba qof oo u dhashay dalka Bosnia oo lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen sharciga xakamaynta hubka militari.

Weeraradii Paris ee 2015 oo si gaar ah loola beegsaday hoolka xafldaha ee Batclan, garoonka kubadda cagta iyo dhowr maqaayado ayaa waxaa lagu dilay 130 qof, waxaana sheegatay kooxda Daacish.

XS
SM
MD
LG