Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharci la rabo lagu baabi'iyo deymaha ardayda


Senatarka Madaxa bannaan ee Bernie Sanders oo u tartamaya madaxweynenimada dalkan Maraykanka, iyo laba xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, oo kala ah Ilhaan Cumar iyo Pramila Jayapal ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay sharci haddii uu meel maro baab’ianaya dhammaan daymaha lagu leeyahay ardayda, oo dhan oo $1.6 trillion (ama Kun bilyan iyo 600 milyan oo doollar).

Mudanayaashaasi Koongareeska Maraykana waxay sheegeen inay lacagtaasi ka imaan doonto canshuuro dheeraad ah oo la saaro saamiyada, shirkadaha daymaha bixiya iyo ganacsiyada kale ee dalkan Maraykanka ee Wall Street.

Sharcigaasi haddii uu meel maro waxa kale oo uu baabi’in doonaa dhammaan lacagaha laga qaado ardayda jaamacadaha dadweynaha. Warbixintan waxaa noo diyaarisay Sahar Majid, waxaase inoo soo koobeysa Sahra Ciidle Nuur.

Siyaasiyiin shaaciyay deyn cafinta aradada Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:57 0:00

XS
SM
MD
LG