Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Mareykan ah oo lagu dilay Afghanistan


Isbahaysiga NATO ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa sheegay in laba askari oo Mareykan ah lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo ka dhacay bariga dalkaas.

Dhimashadii ugu dambeysay ayaa tirada askarta Mareykanka ee sanadkan lagu dilay Afghanistan ka dhigeysa sagaal askari.

Bayaan maanta kasoo baxay NATO ayaa lagu sheegay inaan la shaacin doono magacyada labada askari illaa inta qoysaskooda lagu war-gelinayo. Bayaanka laguma sheegin wax faahfaahin oo intaas dheer.

Bayaan kooban oo ay soo saareen Taliban ayay ku sheegteen in ciidankooda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kuna dileen laba askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa gobolka Wardak.

Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay degmada Sayedabad.

Khasaarihii ugu dambeeyey ee gaaray ciidamada Mareykanka ayaa yimid maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu booqasho ku tagay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay madaxweyne Ashraf Ghani.

XS
SM
MD
LG