Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mueller oo hortagaya congress-ka Mareykanka


Robert Mueller
Robert Mueller

Robert Mueller, dambi baarihii gaarka ahaa ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee 2016 ayaa ogolaaday inuu si furan uga hor markhaati furo labada guddi hoosaad ee Cadaaladda iyo ka Sirdoonka ee Congress-ka Maraykanka.

Mueller ayaa labaddan guddi hoosaad hor tagi doona 17-ka bisha July ee soo socota.

Labada guddoomiye ee guddi hoosaadyadan Jerrold Nadlter iyo Adam Schiff ayaa warqad ay talaadadii shalay soo saareen shaaca kaga qaaday in Mueller uu hor iman doono 17-ka bisha July, iyaga iyo shacabka Maraykankuna ay u halqal taagayaan inay isaga dhageystaan.

Mueller ayaa gacanta ku hayey baaris qaadatay muddo labo sano ku dhow, taas oo la xiriirtay faragalin uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo in Madaxweyne Trump uu horjoogsi ku sameeyey caddaaladda, isaga oo isku dayey in baarista uu soo afjaro.

XS
SM
MD
LG