Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar ka dhacay Masar oo lagu dilay saraakiil boolis


Toddoba sarkaal oo boolis ah ayaa lagu dilay weerar jihaadi ah oo ka dhacay Waqooyiga Siinaay ee dalka Masar, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Weerarka oo ka dhacay meel u dhow magaalada caasimad goboleedka ah ee El-Arish ayaa lala beegsaday xarun ay isugu yimaadaan booliska, sida ay sheegtay wasaaradda.

Afar ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale la dilay kadib isku dhac dhacay weerarka kadib. Mid ka mid ah dadkaas ayaa dhintay kadib markii uu qarxiyey jaakad ay walxaha qarxa ku jireen oo uu xirnaa.

Waqooyiga Siinaay ayaa waxay muddo xarun u ahayd kooxo muqaawamo ah, waxaana mas’uuliyiinta Masar ay sanadii tagtay billaabeen howlgal ka dhan ah.

Boqolaal mintidiin ah iyo tobaneeyo askar ah ayaa lagu dilay howl-gallada sida lagu sheegay warbixin dowladeed oo aan la xaqiijin karin maadaama Siinaay aan loo ogoleyn suxufiyiinta.

Masar ayaa iminka ku jirta feejignaan sare ayada oo marti gelineysa Koobka Qaramada Afrika, inkasta oo wax cayaaro ah aysan ka dhaceyn Siinaay.

XS
SM
MD
LG