Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo ka jawaabtay cunaqabteynta Trump


Saraakiisha dalka Iran ayaa maanta ku gacan seeray cunaqabateynta cusub ee Mareykanka, oo ay ku qeexeen inay soo xirayso waddo kasta oo hab diblomaasiyadeed loogu xalin karay xiisadda labada dal.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii shalay ku soo rogay Iran wax uu ugu yeeray “cunaqabateynno cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah”, isagoo si gaar ah ula beegsaday hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa tallaabada maamulka Trump ku qeexay mid “ceeb iyo nacasnimo ah”

Trump ayaa saxiixay wareegto madaxweyne oo uu ku sheegay inay ka hor istaagayo Tehran iyo Khamenei galaangal kasta oo ay u yeelan karaan suuqyada maaliyadda ee caalamka.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Steven Manuchin ayaa sheegay in talaabadan ay fariisin doonto balaayiin dollar oo hantida Iran ah.

Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid “adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka” ee dayuuraddii Drone ee Iran ay Mareykanka ka soo riday todobaadkii tagay.

Diyaaradaas oo nooca wax basaasta ahayd ayuu Mareykanku sheegay inay duuleysay hawada caalamiga ah markii ay Iran soo rideysay meel ku dhow gacanka Hurmuz ee Khaliijka Carabta. Laakiin Iran ayaa ku doodeysa inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

XS
SM
MD
LG