Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan: Cidna fasax uga qaadan meyno danteena


Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey ay bisha July heli doonto habka difaaca gantaalaha S-400 ee Ruushka uu sameeyo, taasi oo xiisad ka dhex abuurtay dalkiisa iyo Mareykanka oo ay ka wada tirsan yihiin NATO.

“Arrinta ku saabsan S-400 waa arrin si toos ah ula xiriirta madaxa-banaanideena kamana laaban doonno” ayuu Erdogan ku sheegay khudbad laga sii daayey taleefishinka.

“Insha Allah, keenista S-400 waxay billaaban doontaa July” ayuu yiri.

“Si ay uga gudubto baahideeda amni, Turkey cidna fasax ugama baahna, iskaba daa inay u hoggaansato cadaadis.”

Madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku maray inuu xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u adeegsan doono inuu yareeyo xiisadda labada dal, marka uu kula kulmo shirka G-20 ee magaalada Osaka ee dalka Japan, toddobaadkan.

Mareykanka ayaa Turkiga u qabtay ilaa 31-ka July si ay uga laabato soo iibsashada S-400, ama haddii kale ay wajihi doonto cunaqabateyn islamarkaana laga saari doono ka qeyb-galka barnaamijka diyaaradaha F-35 ee Mareykanka.

XS
SM
MD
LG