Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Erdogan oo lagu bahdilay doorashadii Istanbul


Ekrem Imamoglu
Ekrem Imamoglu

Xisbiga madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ee AKP, ayaa waxaa asiibay guul-darro xooggan ayada oo lagu bahdilay doorashadii duqa magalaada Istanbul ee shalay dhacada, oo mucaaadka ay ku guuleysteen.

Fallanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumeysnaa in madaxweyne Erdogan uu cayaarayey khamaar siyaasadeed markii uu amray in doorashada Istanbul dib loogu noqday, waxaana dhacay sidii ay rmeysnaayeen.

Musharraxa ka socday xisbiga mucaaradka ah ee CHP, Ekrem Imamoglu ayaa si xooggan ugu guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee ka dhacday Istanbul.

Imamoglu oo ah 49 jir aanan si wanaagsan loogu aqoon siyaasadda Turkiga, ayaa ka badiyay musharraxi ka socday xisbiga talada haya ee AKP, sidoo kalana ah ra’isul wasaarihi hore Binali Yildirim.

Waa marki labaad oo uu Imamoglu ku guuleysanayo doorashada duqa Istanbul, kaddib marki ay guddiga doorashada diideen natiijada doorashadi Istanbul ee 21-ki bishi March.

Ekrem Imamoglu ayaa helay codad dhan 54 % halka Yildirim uu helay 45.23.

Ekrem Imamoglu oo doorashadii hore ee la nasakhay ku horeeyey kaliya 13,000 oo cod, ayaa markan Yildirim iyo xisbiga AKP ku bahdilay isaga oo ka kormaray in ka badan 800,000 oo cod.

Dhaqaalaha dalka oo aan wanaagsaneyn, iyo sicir bararka oo aad u sarreeya ayaa la rumeysan yahay inay sababtay guul-darrada xisbiga talada dalka haya ee AKP.

XS
SM
MD
LG