Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Istanbun: Doorashada Ku celiska oo Hadda Socota


Xaaska Binali Yildirim Semiha oo codkeeda dhiibaneysa xarun cod bixin oo ku taalla Istanbul, Axad June 23, 2019. REUTERS/Kemal Aslan - RC1F4714A440
Xaaska Binali Yildirim Semiha oo codkeeda dhiibaneysa xarun cod bixin oo ku taalla Istanbul, Axad June 23, 2019. REUTERS/Kemal Aslan - RC1F4714A440

Dadka ku nool magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa maanta mar kale dib ugu laabtay goobaha codbixinta, doorashada ku celiska ee duqa magaalada, kaddib marki uu guddiga doorashada wax kama jiraan kasoo qaaday doorashadi dhacday 31-ki Maarso.

Doorashadi magaalada Istanbul ka dhacday saddex bil ka hor, ayaa waxaa tiro aanan sidaasi u badneyn ku helay musharraxa ka socda xisbiga mucaaridka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu. Wuxuu ka guuleystay musharraxa xisbiga talada haya ee AKP Ra’isulwasaarihi hore Binali Yildirim.

Magaalada Istanbul oo ah magaalada ugu weyn Turkiga sidoo kalana ah caasimadda ganacsiga, ayaa shacabkeeda oo lagu qiyaaso 16 milyan waxay saakay safaf u galeen goobaha cod bixinta saacaddu marki ay aheyd siddeedii subaxnimo, waxaana la filayaa in doorashada ay xiranto galabta shanta xilliga Istanbul.

Musharraxa xisbiga mucaaradka Imamoglu, ayaa isaga oo wariyaasha la hadlyay waxyar kaddib marki uu codkiisa ka dhiibtay degmada uu guddoomiyaha kasoo noqday ee Beylikdüzü sheegay, in maanta ay shacabta Istanbul qaadan doonaan go’aanka ugu wanaagsan.

Imamoglu iyo xaaskiisa oo codkooda dhiibanaya
Imamoglu iyo xaaskiisa oo codkooda dhiibanaya

​Madaxweyne Erdogan ayaa isna marki uu codkiisa ka dhiibtay degmada uu Istanbul ka daganyahay ee Üskudar, mar kale ku celiyay in doorashadi hore la musuq maasuqay, balse uu rajeynayo in qaladaadki dhacay aysan soo laaban mar kale.

Erdogan iyo xaaskiisa Amina oo soo gaaray goobta codbixinta
Erdogan iyo xaaskiisa Amina oo soo gaaray goobta codbixinta

Caawa ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo natiijada hordhaca ah, marka lasoo gaba gabeeyo tirinta codadka dhammaan 39-ka degmo ee ay ka koobantahay magaalada.


XS
SM
MD
LG