Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia: Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida oo La dilay


Taliyihii ciidamada qalabka sida Ethiopia

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in taliyihii ciidamada qalabka sida Seare Mekonnen xalay lagu dilay gudaha magaalada Adis Adaba, saacado kaddib markii gobolka Ismaamulka Amxaarada uu dhacay iskuday afganbi oo lagu dilay madaxweynihii gobolkaasi.

Afhayeenka Ra’isulwasaare Abiy Ahmed ayaa maanta sheegtay in jeneraal Seare Mekonnen iyo jeneraal kale oo howlgab ahaa uu guriga taliyaha ciidamada qalabka sida ku dhex dilay askari ka tirsanaa ilaalada taliyaha.

Sidoo kale xalay waxaa magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amhaarada lagu dilay madaxweynihii ismaamulka gobolkaasi Ambachew Mekonnen iyo gacanyarihiisii.

Xafiiska Ra’isulwasaare Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyay in dilka madaxweynihii maamulka Amxaarada uu qeyb ka ahaa isku day afganbi oo uu ka danbeeyo madaxa amniga ee gobolka Amxaarada General Asamnew Tsige.

Ciidamada ayaa xiray askarigii dilay tiliyihii ciidamada qalabka sida laakin sida ay warbaahinta ku warrameyso, waxaan wali la xirin ninka looga shakisanyahay inuu ka danbeeyo iskudayga afganbi jeneral Asamnew Tsige

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG