Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Madaxtinimada ee Mauritania


Nin codkiisa ka dhiibanaya magaalada Nouakchott ee xarunta Mauritania

Shacabka waddanka Mauritania ee galbeedka qaaradda Africa ayaa maanta oo Sabti ah u dareeray goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan madaxweyne.

Mauritania oo ah waddan caan ku ah afganbiga ayaa marki ugu horreeyay la rajeynayaa in madaxweyne Mohamed Ould Abdel Aziz oo dalkaasi afganbi ku qabsaday sanadki 2008 uu si dimoqraadi ah uu xilka ugu wareejiyo madaxweynaha cusub.

Dad gaaraya 1 milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa isu diiwaangeliyay in ay codeehaan, waxaana goobaha ay yaallaan sanaadiiqda codadka la furay saakay todobadi, iyadoo lasoo xiro doo doono galabta.

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa la filayaa in ay soo baxaan Isniinta.

Mohamed Ould Ghazouani oo ah jeneraal hore kana mid ah musharraxiinta ugu cad cad ayaa lagu wadaa in maanta uu codkiisa ka dhiibto garoonka Olimbik ee magaalada Nouakchott.

Musharaxiinta kale ee safka hore waxaa ka mid ah Abdellahi Ould Vettah oo maanta ku baaqay in dalka uu ka dhaco isbadal nabad ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG