Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo joojineysa hubka ay ka iibiso Sacuudiga


Dowladda Britain ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay joojin doonto ruqsooyinka ay hubka uga iibiso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib marki ay Maxkamadda Racfaanka Ingiriiska amar ku bixisay in dowladda ay dib uga fiirsato arrintan.

Qaadiga Maxkamadda Racfaanka Britain, Terence Etherton ayaa sheegay in Dowladda Britain ay jebisay sharciga kaddib marki ay ku guuldarreusatay in ay si hufan u qiimeyso in hubka ay ka iibisay Boqortooyada Sacuudiga lagu waxyeelleeyay dadka rayidka ah ee Yemen iyo in kale.

Xoghayaha Ganacsiga Caalamiga ah ee Britian Liam Fox ayaa go’aanka joojinta hubka uu Ingiriiska ka iibiyo Sacuudiga maanta uga dhawaaqay gudaha baarlamaanka. Laakin wuxuu sheegay in dowladda ay racfaan ka qaadan doonto go’aanka Maxkamadda.

Xakunka Maxkamadda Racfaanka ayaa qeyb ka ah dagaal dhinaca sharciga ah oo ay bishii December ee sannadki 2015-ki soo billowday hey’adda la dagaalanka ka ganacsiga hubka ee fadhigeedu yahay Ingiriiska.

Hey’addaan ayaa ugu danbeyntii dowladda Ingiriiska uga guuleysatay dagaalkaasi dhinaca sharciga ah ee ku saabsanaa in aysan dowladda Britian wax hub ah ka iibin Sacuudiga.

Tan iyo sanadki 2015-ki, Ingiriiska ayaa Sacuudiga ka iibiyay hub qiimahiisu gaarayo shan milyan iyo afar boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah.

XS
SM
MD
LG