Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Xaaladda qaxootiga caalamka


Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ayaa sheegtay in ku dhawaad 71 million oo qof ay barakaceen dunida oo dhan.

Dadkaasi ayaa la sheegay inay ka qaxeen dagaallo, xadgudubyo lagula kacay iyo qalalaase kale oo ka dhacay deegaanadooda.

20-ka bisha June oo ku beegan maalinta berri ayaa dunida laga xusayaa maalinta qoxootiga caalamka.

Warbixintan ay UNHCR, soo saartay maanta oo Arbaca ahna waxaa lagu sheegay in tirada dadka qaxay sanadkan ay yihiin kuwii ugu badnaa abid tan iyo markii hey’adda la aas aasay 70 sano ka hor.

Wariyaha VOA Zlatica Hoke, ayaa warbixintan noo diyaarisay, waxaana soo jeedinaysa Sahra Ciidle Nuur.

Warbixin: Xaaladda qaxootiga caalamka
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:32 0:00

XS
SM
MD
LG