Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa habeenkii xalay ahaa magaalada Orlando ee gobolka Florida ka bilaabay ololihiisii doorashada ee tartanka 2020-ka.
Madaxweynaha ayaa ka hor hadlay boqolaal dad oo goob fagaare ah isku soo baxay, isaga oo shaaca ka qaaday inuu mar labaad u sharaxan yahay madaxweyne.
Madaxweyne Trump ayaa la tartami doona tartamihii ka soo dhex baxa tiro labaatan kor u dhaafaysa oo xisbiga Dimoqraadiga ka socda.
Dhinaca kale, waxaa soo baxaya in ra’yi uruurin la sameeyey ay muujinayso in gobolada qaarkood madaxweynaha lagaga horeeyo.
Haddaba, marka la eego kulankii xalay muxuu madaxweynuhu gundhig uga dhigay ololihiisa xiligan? Maxamed Cabdi Sandhere ayaa su’aashaas iyo kuwo kaleba weydiiyey Jibriil Aw-Maxamed oo bare ka ah Jaamacadd Ohio State ee dalka Maraykanka.