Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Maxamed Morsi oo loo aasay


Madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loo doortay ee dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa maanta la aasay, ayada oo ay soo kordhayaan baaqyada ku saabsan in la baaro sababta dhimashadiisa.

Morsi oo xukunka laga afgambiyey 2013 kadib sanad uu hayey, kadibna lagu soo oogay dacwado la xiriira jaajuusnimo, ayaa lagu aasay xabaale ku yaalla xaafadda Madinat Nasri ee bariga magaalada Qaahira, sida uu sheegay mid ka mid ah qareenadiisa.

Abdel Moneim Abdel Maksoud ayaa sheegay in xubno ka mid ah qoyskiisa ay daahiriyeen meydka Morsi, kulana dukadeen salaadda janaasada isbitalka Leeman Tora.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Masar ayaa sheegay in Morsi oo 67 jir ahaa uu shalay ku dhacay maxkamadda Qaahira oo lasoo taagay kadibna uu geeriyooday.

Waxa uu intaas ku daray in Morsi uu u muuqday qof dhiifoon markii uu maxkamadda la hadlayey, hase yeeshee uu miir belay shan daqiiqo markii uu hadlayey kadibna uu dhacay.

Teleefishinka dawlada Masar ayaa sheegay in Mursi markiiba loola cararay cusbitaalka, laakin markii la geeyay uu u geeriyooday wax u muuqday wadnaha oo istaagay .

Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa eedaha ka dhanka ah Mursi ku sifeeyay kuwa siyaasadeed.

Madaxa Human Rights Watch ee Bariga Dhexe Sarah Leah Whitson ayaa shalay soo dhigtay barta Twitter-ka in xabsiga Mursi uu ahaa mid naxariis daro ah oo ka baxsan bani’aadminimada, iyadoo sheegtay in loo diiday Mursi daryeel caafimaad iyo in qooyskiisu soo booqdo.

XS
SM
MD
LG