Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Mursi oo geeriyooday


Warar degdeg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee waddankaais Maxamed Mursi uu ku dhintay maxkamad ku taala magaalada Qaahira.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in Maxamed Mursi xilliga uu dhintay uu ku sugnaa Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira.

Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururkii Akhwaanul Muslimiinka ayaa madaxweyne loo doortay sannakdii 2012-ka, hase yeeshee sannad kadib ayaa waxaa xukunka kala wareegay milatariga oo uu hoggaaminayey madaxweynaha xilligan Cabdulfataax Al-Siisi.

XS
SM
MD
LG