Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Sadex qof oo looga shakisan yahay cudurka Ebola


Ilaa sadex ruux ayaa si gooni loogu karantiilay kadib markii dadkaasi looga shakiyay inay la xanuunsan yihiin caalaamadaha cudurka waayadaan dambe ku baayay Qaarada Africa ee Ebola, waxaana Sadexdaan qof lagu hayaa Isbitaalka magaalo madaxda Ismaamulka Kericho ee Kericho.

Sayga qofka dumarka ah ee lagu arkay calaamadaha cudurka iyo labo qof oo kale ayaa habeenkii Axadda la gaarsiiyay Isbitaalka.

Dr Shadrack Mutai, oo ah madaxa qeybta caafimaadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadeen tilaabooyin ay uga hortagi karaan calaamado loo malaynayo inay yihiin kuwa cudurka Ebola.

Deegaanada laga soo sheegayo in lagu arkay cudurka Ebola ee Kenya ayaa xaduud dhow la leh dalka Uganda oo maalmihii la soo dhaafay dhowr qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Ebola, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada cudurkaasi uu sababay ay sii kororto dalka Uganda.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa khuburo dhanka caafimaadka ah u dirtay Ismaamulka Kericho ee dalka Kenya si ay baaritaano dheeraad ah ugu soo sameeyaan sadexda ruux ee sida ee looga shakisan yahay inay qabaan calaamadaha cudurka.

Sidoo kale qeybta Adeega baaritaanka Dawooyinka ee Dowladda Kenya oo iyaguna tibaajabo ka qaaday dhiggaga dadkaan ayaa la filayaa in jawaabtooda ay soo saaraan saacadaha soo socda.

Maalintii Axadda ayay ahayd markii Isbitaalka Siloam loola cararay qof Haweeneey ah oo ka soo safarta magaalada Malaba ee Ismaamulka Busia ee dhanka Bari ee xuduuda Kenya iyo Uganda taasoo markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka magaalada Kericho.

XS
SM
MD
LG