Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaafka Turkiga iyo Maraykanka ee Gantaaladda S-400


Madaxweynaha Turkiga Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta shaaca ka qaaday in wixi lagu gaaro bilowga bisha soo socota ee July ay filayaan in Turkiga ay soo gaaraan gantaallada S-400 ee ay kasoo iibsadeen Ruushka.

Telefashinka CNN qeybtiisa Af-Turkiga ayaa maanta baahiyay in madaxweyne Erdogan uu xaqiijiyay in gantaalladan oo ah kuwa lidka diyaaradaha ay Ankara heli doono bisha soo socota.

Heshiiska uu Turkiga gantaalladani uga soo iibsanayo Ruushka ayaa khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Turkiga iyo Mareykanka oo xulafo ku ah gaashaanbuurta NATO. Washington ayaa ku hanjabtay in ay cunaqabateyn kusoo rogi doonto Turkiga haddii ay ka dhabeyso heshiiska gantaallada S-400.

Xoghayaha kumeelgaarka ah ee difaaca Mareykanka Patrick Shanahan ayaa horraanti bishaan waqrad uu u diray dowladda Turkiga ugu digay cawaaqib xoog leh haddii ay uga laaban weysay heshiiskaasi ilaa 31-ga bisha July. Waxaa kale oo uu sheegay in ay soo eriyi doonaan duuliyaal Turkish ah oo hadda tababarro la xiriira dhanka duulista diyaaradaha dagaalka ee F-35 u jooga dalkaan Mareykanka.

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu Mareykanka ka gato in ka badan 100 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka gaar ahaan nuuca loo yaqaano F-35. Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu heshiiskaasi joojin doono, sababo uu ku sheegay in aysan meel isla gali karin gantaallada difaaca Ruushka ee S-400 iyo diyaaradaha dagaalka ee F-35.

XS
SM
MD
LG