Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Rag ku dhintay qaraxa miino ay aasayeen


Shabaab
Shabaab

Saddex qof oo loo malaynayo inay ka tirsanaayeen Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Kenya ayaa geeriyooday kadib markii maalintii Khamiista ay la qaraxday Miino ay ku aasayeen jidka deegaanka keynta ah ee Boni ee ka tirsan Ismaamulka Lamu ee dalka Kenya.

Goobjoogayaal ayaa VOA-da u xaqiijiyay in Xubnaha ay Miinadu kula qaraxday jidka lagu magacaabo Kwa Omollo ee ku teedsan wadada Bodhai-Baragoni.

Jidka ay qaraxa ku aasayeen xubnahan geeriyooday ayaa waxaa aad u isticmaala ciidamada iyo mas’uulyiinta dowladda Kenya, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay sii laba jibaaray howlgallo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya dhulka howdka ah ee Xeebta.

Ciidamo iyo masuulyiin ka tirsan Dowladda Kenya oo tagay goobta ay ragaan Miinada kula qaraxday ayaa goobta ugu tagay meydadka sadexdaasi nin, sadex qori oo AK47 ah iyo qalab kale.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan xirtay xuduudda ay Soomaaliya kala wadaagto dhanka Deegaanka Raaskaamboobi ee Jubada Hoose, waxaana jira ciidamo badan oo ay dowladddu gaysay deegaanka Kiyuunga ee Kenya.

XS
SM
MD
LG