Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraakiib lagu weeraray Gacanka Cuman


Front Altair oo ah markab saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Norway ayaa la sheegay in maanta lagu weeraray Gacanka Cuman ee u dhaxeeya Imaaraadka Carabta iyo Iran.

Hay’adda Ilaalada Badaha ee Norway ayaa sheegtay in saddex qarax laga maqlay markabka, balse aysan cidna ku dhaawacmin.

Bayaan kasoo baxay hay’addan ayaa lagu sheegay in sidoo kale doon lagu magacaabo Kokuka Courageous lagu weeraray isla aagaas.

Dowladda Iran ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay weeraada la sheegay in maraakiibta lagu qaaday.

Dhinac kale, ciidamada badda Iran ayaa soo bad-baadiyey 44 qof oo ah shaqaalaha laba Markab oo saliidda qaada oo dab uu ka kacay kadib dhacdo ku qabsatay gacanka Cuman, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

“44 badmaaxayaal oo saarnaa laba markib oo shisheeye ayaa waxaa badda kasoo badbaadiyey ciidamada badda ee qeybta gobolka Hormozgan waxaana la geeyey dekedda Bandar-e-Jask” ayaa wakaaladda wararka IRNA ay kasoo xigatay ilo-wareed.

Mid ka mid ah maraakiibka oo sita calanka jaziiradda Marshall Islands ayaa kiimikada shidaalka lagu daro ee Ethanol kasoo qaaday dalka Qatar una socda Taiwan, waxaana saarnaa 23 shaqaale.

Markabka kale oo ay saarnaayeen 21 shaqaale, ayaa sita calanka dalka Panama, wuxuuna kasoo tagay dalka Sacuudiga una socda Singapore.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay dabka ka kacay maraakiibta, balse waxaa loo malaynayaa in la weeraray.

XS
SM
MD
LG